Ciidamada ATMIS Oo lagu Eedeeyay Dilka Dad Shacab ah Degaanka Buulo Mareer..

Uncategorized

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dil bareer ah oo Ciidamada Uganda ee ku howl gala magaca ATMIS ka fuliyeen degaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabelada Hoose, waxaana ka dhashay Banaan bax ay dhigeen Dadka Degaanka kuwaasoo weydistay in Cadaalada la horkeeno Askarta Dilka geysatay…

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada ee Degmada Kurtuwaarey Mr.Maadeey Jeylaani Cali ayaa xaqiijiyay in Askar ka tirsan Ciidamada ATMIS oo ilaalo ku jiray ay aagudaha u galeen Beer ku taal degaanka Buulo mareer waxayna la kulmeen 3-Qof oo 2 ay goobta ku dileen (Gowracay) halka Ninkii 3-aad uu si dirqi ah uga baxsaday.

Dibad baxayaal Degaanka ka soo jeeda ayaa cabasho ka muujiyay Dilkaan bareerka ah, waxeyna dalbadeen Cadaalad ku dhisan isla xisaabtan, mana jirto wax war ah oo ATMIS iyo Dowlada Federaalka ka soo saareen Falalka guracan ee Ciidamada Uganda, Dhacdooyinkaan ayaa Gobolka Shabeelada hoose ka noqday kuwo joogto.

336150cookie-checkCiidamada ATMIS Oo lagu Eedeeyay Dilka Dad Shacab ah Degaanka Buulo Mareer..