Dabeylaha & Robabka Mahiigaanka ah Oo Digniino laga soo saaray..

Uncategorized

Waxaa digniino laga soo saaray Robab Mahiigaan ah oo Daadad wata iyo Dabeylo xoogan ay ka dhacaan Guud ahaan Dalka Somalia, iyadoo laga cabsi qabo iney ka da’aan Dalkeena si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa ka mid ah fatahaada Wabiyada, Daadad ka soo rogmada Dhulka buuraleyda ah…

Dabeylahaan oo loogu magac daray “El nino” oo ka soo jeeda Luqada Spannish-ka (Kurayga yar), waa roobab mahiigaan ah oo dabeylo wata badbaa waxey ka dhacaan Dhul baraha Aduunka ama Kulaaleyda (Tropical Latitudes), inta badan waxey Dabeysgaan Roobabka wadata ka dhici jireen Qaarada Latine America, iyadoo hadda u soo wareegay Qaarada u Africa si xaalado aan caadi aheyn (Unconditional rainfall), waxey Somalia ka Da’een dartii loogu magac daray Biyo badane sanadkii 1962-kii, iyadoo ay kadhasheen faa’iido iyo qasaaro.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa hakiyay (Xakameeyay) dhaqdhaqaaqa Gadiidka iyo socotada Dadka maalmaha nagu soo aadan oo la filan karo curashada Gu’ga (Roobabka), Cabsidaan ayaa taagnan doonto sida qiyaastu tahay ilaa dhamaadka Sanadkaan, waxaana laga cabsi qabaa in 2-million oo Hector ay saameeyaan Daadadku, halka Xeebaha laga cabsi qabo iney Dabeylo iyo kacsanaan Baddu sameyso.

Iyadoo Tropical Cyclone iyo El-Nino ay mudan tahay in laga digtoonaado waxyeelada ka dhalan karaan, Toddobadka ugu horeeya ee bishaan gaar ahaan 4-ta ilaa 6-da Bishaan iney ka da’aan roobab mahiigaan ah, waxaa Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18-ka gobol ee dalka Hay’adda maareeynta iyo Masiibooyinka Qaranka ku wargelisay in ay ka feejignaadaan khatar ay suurta-gal tahay in ay ka timaado roob mahiigaan ah oo isbuucaan la filayo inuu da’o.

280100cookie-checkDabeylaha & Robabka Mahiigaanka ah Oo Digniino laga soo saaray..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com