Mas’uul Isku Casilay Qadiyada Janan..

Uncategorized

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Mr.Aadan Ibraahim Aw-Xersi uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Wasiirka Qorsheynta ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa bulshada ee mareegtada Twitter-ka, ayuu ku shaaciyay is-casilaadiisa, Mr.Aw-Xersi ayaa ku sababeeyay sababta uu farujiyay Xilka uu hayay ”Baxsashada” Cabdirashiid Janan iyo gaaristiisa Magaalada Kismaayo.

Mr.Janan ayaa tan iyo bishii Agoosto qaab afuddb ahaan ugu xirnaa Mr Farmaajo si ka baxsan Dastuurka iyo shuruucada dalka u degsan, wuxuuna 28-dii Janaayo 2020 ka soo baxsaday xabsi guri ay maamusho Hey’adda NISA.

14190cookie-checkMas’uul Isku Casilay Qadiyada Janan..