Duulaanka Dowladda ee Wajiga 2-aad ee Kooxda Shababka, Dhaliilaha iyo Dhawaaqyada soo Yeeraaya

Uncategorized

Kadib duulaankii Ciidamada Dowladda ee degaanada Hirshabelle iyo Galmudug ku qaadeen isla markaasna ay ka soo baxeen guulo la taaban karo, inkastoo Degaano badan weli ku jiraan gacanta Kooxda Argagixisada, hadana waxaa indhaha laga qarsan karin tabashada iyo Gadoodka ay qabaan Ciidamidii laga keenay Eritrea kuwaasoo aysan weli xalin Maamulka Villa Somalia..

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in Wajiga 2-aad ee gulufka ka dhanka ah kooxda argagixisada ay qorsheeyeen inuu bilowdo inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, balse qabanqaabadaan ayaa la kulmaaya dhaleceyn ka hor inta uusan si rasmi ah u bilaaban howlgalkaan, waxaana Maamulka Xasan Sheekh lagu eedeeyay inuu meesha ka saaray Xoogaga Macawisleyda oo laf dhabar u ahaa guulaha laga gaaray Wajigii hore.

Dadka dhaliila Villa Somalia ayaa sheegay in Gaabis uu ku yimid bilaabida Duulanka ayna ka faa’iideysteen kooxaha Argagixisada, kuwaasoo weeraro ku qaadan Fariisimada Ciidamada Dowladda isla markaasna ay u suurto gashay iney burburiyaan Tiro badan oo gaadiid dagaal ah oo Dowladu leedahay halka tiro kale ay qaateen.

Ku darsoo (Muwaadinow) waxaa weli Dowladu aysan xalin Tabashada Ciidamada lagu soo tababaray Eritrea kuwaasoo ilaa 300 oo ka mid ah ay isaga tageen kuna laabteen degaanadooda, kadib markii Dowladu ka gaabisay iney xaliso cabashadooda, Ciidamada ayaa hadda ku sugan degaanka Ruun-nirgood iyo nawaaxigeeda.

248930cookie-checkDuulaanka Dowladda ee Wajiga 2-aad ee Kooxda Shababka, Dhaliilaha iyo Dhawaaqyada soo Yeeraaya