Share the post "Ciidamada Burundi Maxaa Tirada Loogu Yareeyay, Mise Howlgalkooda La Saluugay…"
Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in Ciidamada Burundi tirada loo yareeyay ay salka ku heyso in aan Dowlada Federaalka aysan ku qancin awooda Howlgalkooda ee la dagaalanka kooxaha Argagixisada, inkastoo khasaare balaaran uu ka soo gaaray 17-kii Sano ee ay ku sugnaayeen Somalia..
Burundi ayaa Somalia ku lahayd ilaa 5,500 oo askari oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (ATMIS), oo ah qayb ka mid ah Ciidamo ka kooban 20,000 askari oo dalal kala duwan ah oo loogu talagalay xasillinta Dalka, Si kastaba ha ahaatee, soo jeedin dhawaan ka timid Somalia oo ku saabsan in tirada guud ee Ciidamada Shisheeye laga dhigo 12,000 askari oo ay ku jiraan kaliya 1,041 Burundi ka socda ayaa sare u qaaday xiisadda u dhaxaysa labada Dal.
Ciidamada Burundi ayaa la sheegay iney khasaaro badan kasoo gaareen dagaalada ay la galeen Argagixisada Shabaab, iyadoo in ka badan 1,000 Askari looga dilay Somalia, tiro kalena la dhaawacay, halka qaar kalena ay gacanta u galeen kooxda Shabaabka, Warbixinno ayaa tilmaamaya in Ciidamada Burundi ee Somalia ka baxaya loo daad-gureynayo bariga dalka Congo, halkaas oo dagaallo culus ay kaga jiraan kacdoonka kooxda M23.