Talo Jeedin ay Soo Saareen 20-Hey’adood oo kuwa Xuquuqul Insaanka oo ka Dalbaday USA Wax ka Bedelka Duqeymaha..

Somalia news

20 ka mid ah Hay’adaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ayaa weydiistay Dowladda Maraykanka, iney qaado tillaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo codsiyada qoysaska eheladooda lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha  Maraykanka uu ka geysto  Dalka Somalia…

Hay’adahan ayaa ku canaantay USA in saraakiishooda Ciidamada ay iska indho tireen baaqa kasoo yeeray dhibanayaasha duqeymaha Maraykanka, Warqad loo diray Xoghayaha Difaaca, Lloyd Austin, ayaa lagu muujiyay  kiisas badan oo waxyeelo rayid ah, kuwaas oo ka dhacay Soomaaliya, oo ay xaqiijisay Dowladda Mareykanka, isla markaana dhibanayaasha rayidka ah, kuwa badbaaday, iyo qoysaskooda aysan wali helin jawaabo la taaban karo.

Qoraalka  ayaa muujinaya in Dhibanayaal ay ka mid tahay Luul Daahir Maxamed, oo ahayd 22-jir Soomaali ah oo lala dilay gabadheeda Maryan Shilow Muuse oo 4 jir ahayd, kaddib markii bishii April, 2018 uu Maraykanku duqayn ka geystay magaaalada Ceel Buur, ilaa hadda Pentagon-ka ayaan wali reerkeedu siinin wax jawaab ah oo ay ku qanci karaan.

Sida laga soo xigtay Airwars, koox kormeerayaal ah oo fadhigeedu yahay UK, ayaa sheegay in Boqolaal Soomaali ah – oo ay ku jiraan qaar rayid ah – ayaa lagu dilay duqeymaha Mareykanka sanadkan oo kaliya iyadoo maamulka Biden uu si aamusnaan ah u sii wado waxa loogu yeero La-dagaalanka Argagaxisada.

294390cookie-checkTalo Jeedin ay Soo Saareen 20-Hey’adood oo kuwa Xuquuqul Insaanka oo ka Dalbaday USA Wax ka Bedelka Duqeymaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com