Shirkadaha Diyaaradaha Oo Diiday Iney Ku Degaan Dhuusa mareeb

Somalia news

Shirkadaha Duulimaayada gudaha ka shaqeeya Ee Somalia ayaa hakiyay duulimaadyadii caadiga ahaa oo ay ku tagi lahaayeen garoonka magaalada Dhuusmareeb ee xarunta Galmudug, kadib markii kooxda Shababka ay weerareen diyaarad ka kaceysay garoonkaasi…

Warar hordhaca ah ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Amaanka ee Dhuusamareeb iyo madaxda shirkadaha ay kulan wada tashi ah yeesheen, kaasoo looga hadlay xaalad amaan Ee Garoonka, waxaana la sheegay in dhamaan Madaxda shirkadaha ay diideen in garoonkaas tagaan sababo amni awgeed, iyadoo jirin diyaarad halkaas ka dagtay shalay.

“Ma jirto wax diyaarad ah oo maanta Dhuusamareeb tegay waxaana baaqday rakaab badan oo ay maanta aheyd in la qaado,” ayuu yiri mid ka mid ah madaxda shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya oo maanta tagi laheyd Galmudug.

Madaxda Shirkadaha ayaa ka dalbaday Maamulka Galmudug iney bixiyaan damaanad buuxa oo ku aadan Amiga Garoonka iyo degaanada ku xeeran, iyadoo ay u badan tahay in maalmaha soo socda aysan jiri doonin Dulimaadyo ay diyaaradaha ku taagan Garoonka Dhuusa mareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa u muuqata in bilooyinkii la soo dhaafay uu sii xumaanayo amaankeeda oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana usii dheer duqeymaha magaalada ee joogtada noqday.

70350cookie-checkShirkadaha Diyaaradaha Oo Diiday Iney Ku Degaan Dhuusa mareeb