Ciidamada Danab Oo Lagu Eedeeyay Dilka Qof Rayid ah

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Tacdiyo iyo dilal qorsheysan ay fuliyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Danab, kana geysteen xaafad ka tirsan Degmada Wanleweyn ee Gobolka Shabeelada hoose, xili ay howlgalo ka wadeen Degmada…

Warbixintaan oo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news islamarkaana qabsatay baraha bulshada ayaa ku sabsan qaabka ay Howlgalka Ciidamada Danab u fuliyeen xili habeen guri qof rayid ah ay ugu dhaceen kadibna ay dileen, xili Ehelkiisa ay goobjoog ahaayeen, iyagoo qaatay Meydkiisa.

Marxuumka ay dileen Ciidamada Danab ayaa lagu magacabi jiray Cabdalla Cumurow. Dilka kadib waxa meydka loo qaatay xerada Balidoogle oo ah Xarunta ugu weyn ay ciidamada Danab ku leyihiin, Qoraal ka soo baxay maamulka degmada Wanlaweyn ayaa lagu cambarayay dilka ay Ciidamada Danab u geysteen qofka shacabka ah waxaana bayaanka ay ku sheegen in ay la xirireen Taliska Ciidamada Danab balse ay inkireen dilka, taasoo horseeday iney maamulka degmada ku dhawaaqaan baaritan madaxbanaan.

155960cookie-checkCiidamada Danab Oo Lagu Eedeeyay Dilka Qof Rayid ah