Heshiis laga Gaaray Waxbarashada & Shahaadooyinka

Somalia news

Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Somalia iyo Wasaaradaha Waxbarashada heer dowlad goboleed, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa xalay si wadajir ah Garoowe uga dhawaaqay guddi wada-tashi oo qaabilsan horumarinta arrimaha Waxbarashada dalka….

Guddigan ayaa la shaaciyay, kadib shir ku saabsan arrimaha Waxbarashada dalka oo shalay ka qabsoomay magaalada Garoowe, kaasoo looga dooday Waxbarashada Dalka, (Manhajyada) iyo Shahaadooyinka, waxaana lagu heshiiyay in la mideeyo Qalfoofta Manhajka (Curriculum Frameworks).

Sidoo kale, waxa lagu heshiiyay in la dhiso guddi ka kooban dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo qaabilsan Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, si dalka oo dhan looga qaado imtixaan midaysan.

129350cookie-checkHeshiis laga Gaaray Waxbarashada & Shahaadooyinka