Madaxweynaha Puntland Oo Hortagaaya Baarlamaanka

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni in maanta lagu wadaa inuu hortaggo Baarlamaanka Puntland, si uu warbixin uga siiyo xaaladda dalku marayo iyo in wada tashiyo laga yeesho sidii mowqif mideysan looga qaadan lahaa Fashilka ku yimid Dowladda Federaalka…..

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, Jaamac Yuusuf Jaamac (Deberani) ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Baarlamaanka la yeelan doono wadatashi ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, “Madaxweyne Deni wuxuu hortaggi doonnaa Barlamanka Puntland, si uu ula yeesho wadatashiyo ku saabsan xaalada dalku marayo.” Ayuu yiri.

in wadatashiyadaasi ka dib ay Puntland war ka soo saari doonto mowqifkeeda ku aaddan muddo kordhinta labada sano ah ee Hay’adaha Dowladda Federaalka, “Wadatashiyada ka dib Puntland waxay war ka soo saari doontaa mowqifkeeda ku aaddan muddo kordhinta sharci darada ah, ee uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo.” Ayuu yiri Jaamac Deberani.

Sharciga gaarka ah ee Isniintii Xildhibaanada Golaha Shacabka meelmariyeen ayaa dabka ku sii shiday xiisaddii siyaasadeed ee dalka ka jirtay, billihii ugu dambeeyay, taasoo laga cabsi qabo in Dalka uu cagta saaray wado mugdi ah oo horseedi karta dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daata.

111580cookie-checkMadaxweynaha Puntland Oo Hortagaaya Baarlamaanka