Ciidamada Kenya & Kuwa USA oo Howlgal Ciidan ka Dhan ah Shababka ka Fuliya Shababka..

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal Ciidan oo iska kaashadeen Ciidamada Kenya iyo kuwa USA waxeyna ka fuliyeen degaanno hoostaga Degmada Lamu si ay uga hortagaan weerarrada & dhaqdhaqaaqa ay wadaan Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka..

Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa si cad u sheegtay iney ka go’an tahay sidii loo xoojin lahaa amniga Degmada Lamu oo saldhig weyn ku leeyihiin ciidamada Mareykanka ah iyo kuwa Kenya si ay uga hortagaan duullaan uga yimaada kooxda Argagixisada Shababka, kuwaasoo ku sugan Keymaha degaankaasi ku xeeran.

Waxaa ka horreeyay dhoolatus Ciidan oo wadajir ay u sameeyeen ciidamada Mareykanka iyo Kenya oo ay ka qaybgaleen diyaaradaha Militariga gaar ahaan kuwa qumaatiga u kaca & kuwa Saadka Ciidamada qaada, Washignton ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd xoojinta Amniga Bariga Afrika si looga adkaado kooxda Shababka.

270360cookie-checkCiidamada Kenya & Kuwa USA oo Howlgal Ciidan ka Dhan ah Shababka ka Fuliya Shababka..