Ma Dhabaa in Madaxweynaha Somalia uu u Baqooli doono Dalka Egypt

Africa News Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Somalia uu qorsheystay in Safarkiisii 6-aad uu ku tago Dalka Egypt todobaadka soo socoda, kadib markii Dowlada Ethiopia ka cudurdaaratay inuu Safar ku tago magaalada Addis abeba…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in Safarka Madaxweynaha ee Dalka Masar uu booqan doono todobaadka dambe, Madaxweynaha ayaa marti qaad ka helay dhigiisa Dalka Egypt Cabdifitaax Al-Siisi, iyadoo la ogeyn qorshaha Xukuumada Qaahira ka leedahay booqashadaan, waxaase marqaati ma doonto ah Ethiopia ay aad uga carootay xiriirka dhow ee Labada Dal.

Sidoo kale Masar ayaa dooneysa inay Fariisimo ka sameysato gudaha Dalka si la mid ah Midka Turkida Ee Jasiira duleedka Muqdisho ciidamada lagu tababaro, isla markaasna ka qeyb qaadato horumarinta Qeybaha Waxbarashada, Ganacsiga (Bangiyada) iyo dhismaha iyo Tababarka Ciidamada Somalia.

202350cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha Somalia uu u Baqooli doono Dalka Egypt