Ma Laga Yaabaa In Heshiiska Jubbaland & Ethiopia uu Halis Gelin karo Joogitaanka Jubooyinka Ee Kenya..

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis abeba ayaa sheegaya in horumar la taaban karo laga gaaray xiriirkii u dhaxeeyay iyo Madaxda Maamul Goboleedka Jubaland ee Somalia iyo Maamulka Abiy, kadib markii uu la saftay Maamulkii Farmaajo iskuna dayay inuu Xoog ku afgambiyo Maamulka Jubbaland, waxeyna hadda heshiis ka gaareen sidii loo soo celin lahaa xiriirkii labada dhinac…

Wararka ayaa sheegay in heshiiskaan oo ay garwadeen ka ahayd Dowlaada UAE oo ay ku lug lahaayeen Saraakiisha Ciidamada difaaca Ethiopia iyo kuwa Sirdoonka, Axmed Madoobe ayaa sheegay in laga gudbay isbaheysigii iyo isqabqabsigii caadiga ahaa ee Gobolka, wuxuuna saameyn ku yeeshay karaa xiriirka Beesha Ogaadeen iyo Ethiopia.

Dhacdada la yaabka lehi ayaa aheyd in heshiiskaan ay khubaradu arkeen inuu yahay mid UAE ay ka soo shaqeysay halkii laga filaayay iney Kenya soo abaabusho bacdamaa ay saaxiib dhow la tahay Axmed Madoobe, Talaabadaan ayaa noqon karta mid saameyn ku yeelan karta siyaasada Gobolka.

Wadahadalladii Jimcihii ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa sidoo kale Saraakiisha Ethiopia ay aqbaleen codsigii Madoobe ee ahaa in Ciidamadooda ay ka tanaasulaan Abaabulka iyo duulaanka wadajirka ah ee Ciidamadoida iyo kuwa degaanka ee Gobolka Gedo, kaasoo lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Bu’aale oo ka tirsan kooxda Shabaabka.

253900cookie-checkMa Laga Yaabaa In Heshiiska Jubbaland & Ethiopia uu Halis Gelin karo Joogitaanka Jubooyinka Ee Kenya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com