Wararka naga soo gaaraya Magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in Madaxtooyada Puntland ay ku guulaysateen inay saldhigyadooodii dib ugu celiyaan cutubyo katirsan ciidanka ammaanka gaarka ee PSF Puntland oo ku sugnaa duleedka degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal….
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadaan oo ku Hubeysan ku dhowaad 7-gaadiidka dagaalka ah kana soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen buuraleeyda deegaanka Galgala ee gobolka Bari, halkaasi oo ay kula dagaalamaan malayshiyaad katirsan kooxda Alshabaab.
Ciidamadaan PSF ayaan Dhaqaalahaan ahaan hoostegin Maamulka Puntland, waxaana kharashkooda bixiya Safarka Maraykanka oo bilihii ugu dambeeyey hoos u dhigay dhaqaalihii ay bixin jireen (50-US$ bishii) arrimaha ammaanka ee Somalia sababo jira awgood.
Maamulka Puntland ayaa xalinta cabashada ciidankaan u aragta fursad muhiim ah maadaama aysan Ciidamada PSF ku jirin hanaanka dib u habaynta ciidamada kala duwan ee Puntland iyadoona haddii Maraykanku bixin waayo xuquuqdooda la wareegi doonta.