Qaxooti Ethiopian Ah Oo Muqdishu Transit Ku Ahaa Oo La Hakiyay

Somalia news World

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa duullimaad Khaas ah oo ay saarnaayeen Koox Ethiopian ah oo laga soo masaafurin rabay Magaalada Munich Ee Dalka Germany, kuna hakan laheyd garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdishu ayaa dib u Dhacay ku yimid….

Sida ay qortay Warsidaha Info-Migrants, ayaa baaqashadaasi Lagu sababeeyay, iyadoo uusan jirin xiligaan heshiis u dhaxeeya Somalia iyo Germany, waxaana la sheegay in waaxda Amaanka Germany ay qorsheeyeen in koox Ethiopian ah oo gaaraya 10 Qof ay transit ahaan ku marsiiyaan Muqdishu kadibna laga dejiyo Magaalada Addis abeba.

https://www.infomigrants.net/en/post/28309/germany-deports-ethiopian-asylum-seekers

Waxaana la sheegay in Kooxdaan laga dejiyay Magaalada Addis abeba dhamaadkii bishii Oktober ee sanadkaan, iyadoo Wasaarada Arrimaha Gudaha Germany iyo Hey’adda Xuduudaha EU-da, ayaa Kooxdaan u kireeyay Diyaarada lagu tarxiilay, iyadoo shaqsiyaadkaan ay da’doodu u dhaxeyso 24-sano ilaa 58-sano jir.

70950cookie-checkQaxooti Ethiopian Ah Oo Muqdishu Transit Ku Ahaa Oo La Hakiyay