Ma Dhabaa in Khilaaf Xoogan uu soo kala dhex galay Xisbiyada Ku Mideysan Maamulka Xasan Sheekh..

Somalia news

Warbixin hordhac ayaa tilmaameysa in durbadiiba kala qeybsanaan iyo kala shaki uu soo kala dhex galay Garabyadii ku midoobay Doorashadii Xasan Sheekh ee Madaxtinimada Dalka ee kal hore, waxaana soo baxeysa loolan adag dhanka awooda ah una dhaxeysa Saraakiisha Daljir iyo Dhiiga cusub) salkana ku heysa ciddi bedeli laheyd Madaxweynaha oo muddo xileedkiisu ku eg yahay 2026-ka…

Xogtaan ayaa sheegtay in Faarax Cabdulqaadir oo la rumeysan yahay inuu saameyn ku leeyahay hanaanka Siyaasada iyo Go’aanada. Masiiriga ah ee Maamulka Xasan Sheekh isla markaasna xiriir qoys la leh (Family ties) Wasiirka 1-aad Mr.Xamse Cabdi, ayaa loo gacan baneeyay soo magacaabista Shaqaalaha Xafiiska Wasiirka 1-aad, talabadaadi oo u fududeysay inuu la socdo howlaha iyo go’aanada Xafiiska Zamse.

Bishii Janaayo ee Sanadkaan ayuu (Faarax) u raacay Wadiirka 1-aad Dalka Egypt, iyagoo kulamo qarsoodi ah la yeeshay Madaxa Hey’adda Sirdoonka Masaarida, waxeyna ka codsadeen iney taageero Siyaasadeed iyo Dhaqaale loo fidiyo Mr.Xamse si uu Xukunka ugala Wareego Xasan Sheekh doorashada sanadka 2026-ka.

Mr.Xamse ayaa Dalka kula soo laabtay rajo cusub iyo awood siyaasadeed oo sal balaaran geedi fadhina u noqon doonaan Kaadiriinta Xisbigooda, dhaqdhaqaaqyadaan ayaa la sheegey in laga qariyay Madaxweynaha, waxaana ka dhashay in su’aalo badan laga keeno kalsoonida uu Madaxweynaha ku qabi karo Ra’iisul wasaarihiisa.

Loolanka awoodeed ee ka dhex qarxay Kaadirinta Xisbiyada Daljir iyo Dhiiga cusub ayaa abuureysa in Wasiirka 1-aad uu dhameysan karo 2-sano ee loo qabtay, iyadoo la filaayo in Sanadka 2024-ka uu noqon doono wakhti abuurmi doonaan Mucaarad Dowladda dhexdeeda ah, ku darsoo Loolanka Ethiopia iyo Egypt waxaa hubaal in kordhi doono.

Tan kale Qoysaska Saraakiisha Dowladda ee xilalka muhiimka ah ka haya Dowladda Federaalka sida Wasiirka 1-aad Madaxa Hey’adda NISA,  Duqa magaalada Mogadishu & xubno kale ayaa la dejiyay Dalka Masar, iyadoo Dowladda Egypt u fidisay Taageero dhinac kasta ah iyo xoojinta amaankoda.

Maamulka Qaahira oo horey loogu oggolaaday iney Bangi ka furato magaalada Mogadishu isla markaasna waxey saameyn ku leedahay Waxbarashada, iyadoo balanqaaday tiro badan Oo Dugsiyo iyo Jaamacado si ardayda ka soo aflaxday ugu fidiso deeq waxbarasho, sidoo kale Wasaarada Gaashandhiiga ayeey u tababreysaa ilaa iyo 5000 oo Ciidamo ah 2-da sano ee soi socota.

242910cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf Xoogan uu soo kala dhex galay Xisbiyada Ku Mideysan Maamulka Xasan Sheekh..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com