Warbixintii ugu Dambeysay ee Ku aadan Kulamada iska soo Horjeeda ee Diyaarinta Doorashada K/Galbeed

Somalia news

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa sare u kacday culeysyada iyo Dabinada ay diyaariyeen Siyaasiyiinta Waxgaradka ka soo jeeda degaanka kuwaasoo ay ku hayaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Konfur galbeed oo muddo xileedkiisu dhamaad yahay, isagoo Taageero weydiistay Dowlada Ethiopia..

Mr.Lafta gareen ayaa xiligaan la kulmaya duulaano ka dhan ah Maamulkiisa, ayna wado Kooxda Shababka kuwaasoo dardar geliyay khalkhal gelinta Amaanka Maamulka, iyadoo xubno Wasiir Rooboow Abu Mansuur horkacayo ay doonayaan in doorashada la qabto oo Nidaam cusubna la doorto, haraadiga Maamulkii hore meesha laga saaro.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Xanta Baydhabo xiligaan taal ay muujineyso in Madaxweynaha cusub ee Maamulka Konfur galbeed ay Villa Somalia u diyaarisay, inkastoo la isweydiinayaa qaabkee iyo goormee ayuu isbadel imaan doonaan, Wasiirka Warfaafinta Konfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur, ayaa ka digay in Roobow ama Qof kale oo argagixisada mar kasoo mid noqday aanu qabin fikir ah in loo dhiibo Madaxweynaha KGS ee Shacabka hogaaminaya.

Saraakiisha Ethiopia (Sector-ka ATMIS) ayaa welwel ka muujiyay xaalada uu wajahaayo Mr.Laftagareen, waxaana la sheegay iney diyaariyeen Qorshe lagu badbaadin karo Hogaamiyaha Maamulka waxaana la mid ah iney xakameeyaan Dhaqdhaqaaqa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo oo diidaan iney ka soo degaan Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka ka soo horjeeda Maamulka Laftagareen.

207340cookie-checkWarbixintii ugu Dambeysay ee Ku aadan Kulamada iska soo Horjeeda ee Diyaarinta Doorashada K/Galbeed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com