Ciidamo Howlgala Ka Fuliyay Shabeelada Dhexe

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Howlgalo ay si wadajir jir ah u fuliyeen Ciidamada Dowladda iyo Ciidamo Qandaraaslayaal ah (Private Contractars) kuwaasoo ka fuliyay xalay degaano hoose taga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada dhexe….

Howlgalkaan ayaa ku biloowday Duqeyn cirka ah oo ay qaadeen Drones-ka USA ayaa waxaa lagu beegsaday Degaanada Basra iyo Daniga oo ka tirsan Degmada Balcad, waxaana la sheegay in 25-Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shababka lagu dilay halka lagu dhaawacay 15-kale, iyadoo lagu qabtay xubno ka tirsan Ajaaniibta ka barbar dagaalama Kooxda Shababka.

Wararka ayaa sheegay in Howlgaladaan uu qaatay muddo saacado ah, ayaa lagu burburiyay saldhigyada ay Kooxda ku lahaayeen Degaanada kor ku xusan, sidoo kale Kooxda ayaa la sheegay in degaanka Basra ku laheyd Xarun Maxkamadeed mid Baada lagu qaado (Canshuur).

100370cookie-checkCiidamo Howlgala Ka Fuliyay Shabeelada Dhexe