Maxaa ka Run ah in Maamulka Villa Somalia ka Gaabiyay Arrimaha Mideynta Miisaaniyada & Deyn Cafinta Dalka..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa sheegaya in Maamulka Xasan Gurguurte oo muddo hal sano iyo bil shaqeyneysay ayaa wajahaysa Miisaaniyad iyo Mushaar Shaqaale la’aan ilaa Sanadkan dhammaadkiisa, Talaabadaan ayaa ugu wacan Maamulo xumo, kaligiis Talis iyo Qodobo kale…

Khubaro Soomaali ah ayaa isla gartay in Maamulka Villa Somalia ay ku guuldarraysatay iney gudaha Dalka ka saarto dhaqaalaha hooseeya, Maamul xumida, Magacaabista Shaqsiyaad aan khibrad laheyn iyo Arrimo kale oo ay ka mid yihiin.

-Dejinta iyo Hirgelin la’aanta Siyaasad mideysan Canshuuraha Fadaraalka iyo Gobolada.

-Dejinta qorshe cad oo lagu mideynaayo Dakhliga gudaha ka soo xarooda.

-Hogaanka Villa Somalia wuxuu ka gaabiyay inuu buuxiyo shuruudihii ay ku heli lahayd deyn dibada ah.

-Wuxuu Xasan Gurgurte ku guuldareystay inuu mideeyo Siyaasada gudaha Dalka oo muhiim u ah aaminaada dibadda.

-Wuxuu muujin waayay Aaminaad iyo hufnaan la dagaalanka musuqa oo lagu kalsoonaan karo, isagoo u adeegsaday Ololahaan mid uu ku bartilmaameedsanaayo Shasiyaad gaar ah oo Maamulkiisa Mucaaradsan.

-Maamulka Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inuu sii wadi waayay isku dheelitirka Miisaaniyada.

Waxaa lagu wadaa in Bisha 9-aad ee Sanadkan, ay tahay wakhtiga loo qabtay iney Dowladda Federaalka ay soo buuxiso shuruudaha si loogu gudbo qorshaha loogu aqoonsanayo Dal isku filan oo deyn qaadan kara, taasna ma muuqato ifafaalihii ay ku hirgeli lahayd.

Rajada Deyn Cafinta

-In mudo kordhin gaaraysa 6-bilood loo sameeyo Barnaamijka deyn Cafinta

-In gar-gaarkii loo sii wado Somalia ayna sii ahaato Dal aan isku filnayn.

3.In IMF & World Bank oo kaashanaya Dalalka Sacuudiga iyo Kuweyt ay Somalia siiyaan muddo dhowr bilood ah Miisaaniyad Bille ah.

264410cookie-checkMaxaa ka Run ah in Maamulka Villa Somalia ka Gaabiyay Arrimaha Mideynta Miisaaniyada & Deyn Cafinta Dalka..

1 thought on “Maxaa ka Run ah in Maamulka Villa Somalia ka Gaabiyay Arrimaha Mideynta Miisaaniyada & Deyn Cafinta Dalka..

  1. Shaqada u muhiimsan manta ee hortaala Gurguurte waa isku soo celinta Midnimada Dalka iyo Dadka. Lama joogo wakhti uu isku mashquuliyo, Kooxo ku guulwadeeya, in wakhti la kordhiyo iyo in Taageerayaal Indhow garad ah Xilalka ku tixdid Somalia Somali Baa Leh ee koox gaar ah ma leh

Comments are closed.