Ciidamo Iyo Taageerayaal Oo Qaaday Baraawe

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa ciidamo iyo Taageerayaal laga uruuriyay Suuqyada Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdishu ayaa la geeyay Magaalada Baraawe, kuwaasoo lagu sheegay in ay ilaalin doonaa doorashada Xidhibaanadw lagu soo dooran doono Degmada Baraawe…..

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Degmada Barawe oo loo qoondeeyay in lagu tartamo 25 kursi oo lagu soo dooran doono Xildhibaanada Federaalka, iyadoo la sheegay in loo baahan yahay in la helo ergo gaaraysa 2,500 oo Xubnood oo Wakiilada Beelaha wax dooranaaya.

Maamulka Farmaajo oo kaashanaaya kan Baydhabo, ayaa qorshaynaya in Coidamadaan iyo Taageerayaashaan la gayn-doono halkaa loo isticmaalo ergo ahaan, kuwaas oo koox koox ahaan ugu codeyn doono Xildhibaanada gacan ku rimiska ee uu rabo in Farmaajo soo dhisto.

Qorshahaan oo si qarsoodi loo waday in mudo ah, iyadoo uu farsamadaan uu hogaanka u hayo Adeege Fahad Yasin iyo  xulufadda uu ku shaqaysto, ayaa waxaa la yaab leh in Xisbiyada Mucaaradka  ayan wax war ah u haynin qorshooyinka dushooda lagu sameeysanayo .

73000cookie-checkCiidamo Iyo Taageerayaal Oo Qaaday Baraawe