Sarkiil Sirdoon Oo Muqdishu Soo Gaaray

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Safar shaqo oo qarsoodi ah Uu Magaalada Muqdishu maanta ku soo gaaray Mas’uulka ugu sareeya Ee Sirdoonka Dibeda Talyaaniga (AISE) Gen.Giovanni Caravelli, isagoo la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin, kulankan oo ka dhacay Xarunta NISA ayaa waxay labada Nin ee Sirdoon ka wada hadleen sare u qaadida iyo xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac, sida lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee NISA…..

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu hoggaaminayay Taliyaha Sirdoonka Talyaaniga Madaxtooyada Villa Somalia kula kulmeen Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wafdi ka socda Sirdoonka Eritrea ay iyana ku sugan yihiin Muqdisho, inkastoo warkaas aanay Nabadsugida si rasmi ah u shaacin.

72950cookie-checkSarkiil Sirdoon Oo Muqdishu Soo Gaaray