Maamulka Degmada Yaaqshiid Oo Iska Bixin waayay Qaan-sheegaadkii Korontada..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Maamulka degmada Yaaqshiid oo bixin waayay Qaan-sheegadkii korontada maalintii 5-aad, iyadoo ay  sabab u noqotay in la jaro korontada isla markaana adeegyada qaar hakad ay galaan, Talabaadani ayaa ku soo beegmeysa xilli Eedeyn Maamul xumo loo jeedinaayo Maamulka Yusuf Borsani..

Wararka ayaa sheegaya  Mas’uul ka tirsan Hay’adda bixisa adeega korontada siiya Xafiisyada Degmada tan Waaxda Dad Dhigista iyo Xafiisyada Maxkamada Degmada iyo Amniga ayaa sheegay iney laga jaray adeegii Korontada kadib markii ay waayeen dhaqaalihii ku baxay Xarunta, iyadoo Maamulka lagu yeeshay lacag dhan 5200-US$ dhowr jeerna digniino loo gudbiyay.

Maamulada Degmooyinka qaar ayaa sidan oo kale dhowr jeer ay ku dhacday, inkastoo markii dambe ay iska bixiyeen qidmada korontada ee lagu yeeshay, Maamulka Gobolka Benadir ayaa intii wareegtada lagu magacaabay Yuusuf Borsani wuxuu ku takri falay Csnashuuraha laga soo uruuriyo Bulshada Caasimada ku nool.

301140cookie-checkMaamulka Degmada Yaaqshiid Oo Iska Bixin waayay Qaan-sheegaadkii Korontada..