Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Asluubta Oo Rasaas La Beegsaday Kolonyo Gadiid ah

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidammo ka tirsan kuwa Asluubta oo rasaas kula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Madaxweynihii hore ee Somalia Hassan Sheikh Mohamud, kaasoo marayay agagaarka Maxkamadda Gobalka Banaadir…

Xogtaan Ayaa xaqiijisay in Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ka badbaaday weerarka, waxaana jirta xiisad kacsanaan ah ka dhalatay rasaaseynta Madaxweynaha, oo dhacday xilli uu ku wajahnaa shir ay lahaayeen Midowga Musharixiinta.

Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo ayaa horey labo weerar ugu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo ka kala dhacay Hotelka Maa’ida iyo guriga uu ka degan yahay Muqdisho.

122460cookie-checkCiidamo Ka Tirsan Kuwa Asluubta Oo Rasaas La Beegsaday Kolonyo Gadiid ah