Qatar Oo Dib U Bilaabeysa Wada Hadaladii Somalia & Kenya

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in dhowaan Ergeyga Dowladda Qatar u qaabilsan Somalia & Kenya uu dib u bilaabi doono wada hadaladii labada dhinac kadib markii Maxkamada Cadaalada Aduunka (ICJ) ay u Xukmisay Somalia 75% xuduuda Badda halka Kenya la siiyay 25%…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in dhowaan la filaayo in Ergeyga Qatar Mr.Mutlaq bin Majid Al-Qahtan uu safar aan taariikhdiisa la cayimin ku kala bixin doono Magaalooyinka Mogadishu iyo Nairobi si xal loogu heli lahaa Khilaafka Xuduuda Badda Ee Kenya iyo Somalia.

Dowladaha Qatar, Italy iyo Norway ayaa horey waxey ula saxiixdeen Dowladda Kenya si baaris shidaal looga sameeyo Xeebaha Somalia iyo Kenya, waxeyna xiligaan culeysyo ku saarayaan Farmaajo iyo Fahad iney heshiis la galaan Dowladda Kenya si Shirkadahooda uga faa’iideystaan Qandaraasyada Baarista Shidaalka Ee Xeebaha Somalia.

146060cookie-checkQatar Oo Dib U Bilaabeysa Wada Hadaladii Somalia & Kenya