Dagaalkii Villa Somalia & Jubbaland Oo Dib u Soo Cusboonaaday

Somalia news

Todobaadkii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay waan waan loogu kala dab qaadayay Maamulka Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoo waanwaantaan ay salka ku heyso sidii 5-Kursi oo Jubbaland Taala uu u oggolaan lahaa inuu Musharixiinta Farmaajo wata loo soo saari lahaa…

Farmaajo ayaa ergo ahaan Sheekh Axmed Madoobe u diray Mr.Cabdicasiis Lafta gareen, Kuraasta ayaa kala ah #Hop126 uu ku fadhiyo Maxamed Xasan Idiris (Ganey) oo Taageersanaa Axmed Madoobe, Lafta gareen ayaa doonaya inuu Kursigaan la siiyo Xasan Elay oo Wasiir ka Maamulka Konfur galbeed oo isku beel ka soo wada jeedaan, iyadoo la og yahay Farmaajo uu doonaaya in Mr.Ganey uusan ku soo noqon Kursiga.

Kursiga 2-aad Waa #Hop130 waxaa ku fadhiyay Xildhibaan Maxamed Diiriye Khaliif, Shaqsigaan oo horey loogu eedeeyay inuu Lacago madow dhaqi jiray isla markaasna aad u taageersan Farmaajo ayaa Lafta gareen doonaya in Kursigiisa loo daayo si loo raali geliyo Farmaajo lamana yaqaano inuu Wadaadky si fudud u oggolaan doono.

Kursiga 3-aad Waa #Hop133 uu ku fadhiday Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo aad u taageersan Farmaajo isla markaasna ka mid aheyd Xubnihii hormuudka ka ahaa Muddo kordhintii sharci darrada aheyd, Lafta gareen wuxuu doonaya in Xildhibaanada lagu soo celiyo Kursiga Sheekh Axmed Waa ka biyo diiday.

Kursiga 4-aad #Hop125 uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdiraxman Cusmaan Caalin (Dheere), Oo Maamulka Jubbaland iyo Jufada Reer Qudhub Oo aad uga soo horjeedaan in dib loo xulo, halka Farmaajo iyo Fahad ay culeys ku saarayaan Lafta gareen iyo Qorqor in la oggoleysiiyo Axmed Madoobe Oo mar horey u xushay Musharax cusub oo ka yimid Dalka Canada.

Kursiga 5-aad #Hop091 o yaala Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa ku fadhiya Xildhibaan Aadan Isaaq, Lafta gareen ayaa la doonaya mid ka mid ah La-Taliyayaashiisa (Xuseen Kacaan), Farmaajo & Fahad ka cabsi qabaan in ugu dambeyntii loo soo wareejin doono Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu hal Kursi Oo yaala Magaalada Baydhabo Oo uu ku fadhiyo Xikdhibaan Maxamed Jaamac Mursal (#Hop056), isla markaasna uu kala hadlay Lafta gareen in Xildhibaanka loo daayo balse Waxaa la sheegay om Safarkii Lafta gareen ee Kismaayo uu ku soo dhamaaday fashil, waxaana marqaati ka ah Dacaayada iyo Eedeynta Dhuxusha Ee Dekada Kismaayo u jeediyay Xeer ilaaliyaha Guud.

156980cookie-checkDagaalkii Villa Somalia & Jubbaland Oo Dib u Soo Cusboonaaday