Ciidamo Kala Qeybsan Miyaa Loo Sii Talin Doona

Somalia news

Sida xiligaan muuqata Ciidamada Dowladda ayaa u kala jabay Laba qeybood kuwa taageeray Muddo kordhintii la eedey iyo kuwo ka soo horjeestay oo jidka u galay, waxeyna Qeybtaan dambe ku soo afjareen riyadii Farmaajo 19-maalmood, kadib markii rasaas iyo awood muqnin la isku adeegsaday bartamaha Caasimadda Mogadishu…

Inkastoo uu Farmaajo ka hor sheegay Baarlamaanka in la diiday Muddo Kordhintii isla markaasna codsaday in dib loogu laabto Heshiiskii 17-kii September, wuxuu sidoo kale sheegay in Maamulka iyo Amaanka Doorashada uu ku wareejiyay Wasiirka 1-aad ee Xil gaarsiinta Mr.Rooble, Farmaajo ayaa isku dayay in fariin togan uu u diro Ciidamada Dowladda, laakin ma haleelin inuu qeexo fariintiisa, Rooble ayaa sii xoojiyay tuhunka laga qabo Farmaajo, maxaa yeelay Waxaa muuqata ifafalo la iska dhego tiraayo dhibka dhacay iyo cidda lagala xisaabtamaayo.

Farmaajo ayaa ah Taliyaha guud Ee Ciidamada halka Saraakiishii dagaalka ka qeyb qaadatay ay xilalkoodii hayaan (Odowaa, Xijaar, Biixi, Fahad, Jiis-Mareexaan, Saciid Kampala, Jarere iyo Faarax Qaroole, Wuxuuna Rooble rabaa iney Xilka sii Hayaan Saraakiishaasi halka Saraakiisha Ciidamada Mucaaradkana uu ugu baaqay inay dhufeystada ka baxaan oo kuna laabtaan Degaanadii ay ka yimaadeen.

Dhaqanka Farmaajo lagu yaqaano waa argoosi, intii uu xilka hayay wuxuu si weyn u beegsaday Siyaasiyiin ay is qabteen iyo saraakiil Ciidan oo si laablakac iyo fudud ku jirto uu u soo saaray Wareegto oo Shaqada kaga eryay darajadana kaga xayuubiyay, wakhtiyo kala duwan, Saraakiisha Ciidamada Mucaaradka ayaa xiligaan dhegahooda u duleelin baaqyada Rooble.

Malaga yaabaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu fulinta qorshaha Amniga Guud ee Qaranka uu ka bilaabo is bedelka Taliyeyaasha Ciidamada, si loo abuuro kalsooni amni ka hor doorashada.

Maxaa La Gudboon Rooble:-

-Rooble Inuu Farmaajo ku qanciyo inuu qoro Qoraal Uu Amni Dalka iyo Awoodaha Ciidamada uu ku wareejinaayo, isla markaasna Xilalka looga qaado Saraakiisha kor ku xusan.

-In la Magacaabo Hogaan Ciidan Oo dhexdhexaad ah, lana dhiso guddi isku dhaf ah oo labada dhinac ah.

-In La cadeeyo in Saraakiisha Ciidamada Mucaaradka aan la beegsan doonin

-In Labada Ciidan Magaalada laga saaro

-Rooble inuu joojiyo Fariimaha uu Hawada u marinaayo Ciidamada Mucaaradka islamarkaana uu toos ula xiriiro.

Aqoonyahanada ayaa aaminsan in Mr.Rooble Sida u maamulo isku soo celinta Ciidamada oo uu uga fogaado inuu garab la safan yahay, waxey halbeeg u noqon doontaa doorasho loo Siman yahay oo dhexda taala.

116080cookie-checkCiidamo Kala Qeybsan Miyaa Loo Sii Talin Doona