Villa Somalia Oo Qorshe Aargoosi Ah U Dejisay Saraakiisha & Ciidamada Ka Soo Horjeestay

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo la helay ayaa muujinaaya in Kulan Qarsoodi ay yeesheen Farmaajo, Fahad, Odawaa & Biixi, looga dooday sidii talaabo looga qaadi lahaa Saraakiisha & Ciidamada ka soo horjeestay Muddo Kordhinta isla markaasna ka soo baxay aagagii ay ku jireen soona galeen Magaalada Mogadishu…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kulankaan ka dhacay Madaxtooyada looga tashaday sidii loo kala furfurka lahaa Saraakiisha iyo Ciidamada gaar ahaan kuwa Xoogga Dalka, waxaa jira ilo xog ogaal ah oo sheegaya in xiriir uu dhexmaray Odawaa iyo saraakiisha muddo kordhinta diidan qaarkood, isla markaan uu u ballanqaaday Jagooyin ciidan, balanqaaday I dhaqaale iyo in aan la beegsan doonin.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in laga dooday habka ay uga bixi karaan difaacyada gaar ahaan aaggaga Hodan/Howlwadaag iyo Mirinaayada, Odawaa ayaa soo jeediyey in xubno ka tirsan guddiga dib u habeynta iyo tirokoobka Ciidamada uu u diri doona Magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar, si saraakiisha qeybahaasi ay halkaas u aadaan, si saantirashana ay u noqoto.

Ilo saraakiisha ku dhow ayaa sheegay in saraakiisha qaar aysan ka warqabin halka kuwa kalena ay ka soo horjeysteen isla markaana ay ku habjabeen in haddii ay Jowhar tagaan xubnaha guddiga tirokoobka ciidanka ay beegsan doonaan oo aysan marnaba tallaabadaas aqbali doonin.

Qorshaha Cusub ee Farmaajo iyo Fahad ayaa la sheegay inuu dhabar jab ku yahay dadaalada Wasiirka 1-aad Rooble ee ku aaddan in magaalada laga saaro ciidammada, iyagoo heysta kalsooni weyn, guddigana uu u magacaabi doono Ra’iisul wasaare Rooble arrintaas.

116050cookie-checkVilla Somalia Oo Qorshe Aargoosi Ah U Dejisay Saraakiisha & Ciidamada Ka Soo Horjeestay