Hey’adda NISA oo Xabsiga dhigtay Wariye ka Howlgala Magaalada Mogadishu & Cidda Bixiay Amarka..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay shalay galab fuliyeen Xoogag hubeysan oo ka tirsan Hey’adda NISA ayeey ku qabteen Wariye ka mid ah kuwa ka howlgala magaalada Mogadishu, iyadoo lagu eedeeyay inuu warbixin ka faafiyay Guddi Hogaanka cusub u magacaabay dib u habeynta Hogaanada iyo Qeybaha Hey’adda…

Wararka ayaa sheegaya in Xariga Wariye Xuseen Cabdulle Maxamed uu bixiyay Agaasimaha Hey’adda NISA Cabdullahi Sanbalooshe waxaana lagu hayaa xabsi ku yasl xarunta dhexe ee Hey’adda, xarigaan noqonaya kii ugu horreeyay ay NISA u geestaan wariye tan iyo marka Xilka maalmo kahor la magacaabay Shaqsiga xilka loo dhiibay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Wariye lagu eedeeyay Warbixin dhawaan ka diyaariyay Guddi uu Agaasimaha u magacaabay ka tala bixinta Qaab dhismeedka Hogaanada iyo Qeybaha ay ka kooban tahay Hey’adda isla markaasna la baabin doono Xafiisyadaan kadib markii dhaqaale loo waayay, inkastoo markii dambe uu ka saaray Boggisa Facebook.

321780cookie-checkHey’adda NISA oo Xabsiga dhigtay Wariye ka Howlgala Magaalada Mogadishu & Cidda Bixiay Amarka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *