Ciidanka Ilaalada Xeebaha Giriigga oo lagu eedeeyay in ay badda ku dileen ilaa 40-Muhaajiriin ah..

World

Warar dheeraad ah ayaa laga soo saaray Baaritaan ay Hey’adda BBC-da sameeyay ayaa lagu ogaaday in Ciidamada Ilaalada xeebaha Giriigga ay mas’uul ka yihiin dhimashada in ka badan 40 Qof oo muhaajiriin ah, kuwaasoo bareer ah loogu qasbay iney badda dib ugu laabtaan, kadib marki ay gaareen xeebaha Giriigga…

Dhacdooyinka dadkaasi lagu garraqay ayaa ahaa 15 dhacdo oo kulligoodba ka dhacay badda Meditareeniyaanka, muddo saddex sano ah, Sida ku cad warbixinta, 9-Qof oo ka mid ah afarta la xaqiijiyay, ayaa “si ula kac ah loogu tuuray” Badda, Dadkaasi iyo Muhaajiriinta kale ayaa lagu qasbay iney ka baxaan dhul-badeedka Giriigga ama dib looga celiyay jasiiradaha Giriigga kadib marki ay doonyo ku gaareen.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Giriigga ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay, BBC ayaa sheegtay in meelaha ay ilo wareedka ay ka heleen ay ku jiraan NGO-yo, ilaalada xeebaha Turkiga, warbaahinta maxalliga ah iyo goobjoogayaal, Muhaajiriinta ka timaada Africa iyo Asiya ayaa inta badan u sii mara Yurub xeebaha Giriiga si ay nolol wanaagsan uga raadsadaan dalalka ku jira Midowga Yurub.

332180cookie-checkCiidanka Ilaalada Xeebaha Giriigga oo lagu eedeeyay in ay badda ku dileen ilaa 40-Muhaajiriin ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *