Maxaa Siyaasada Somalia ku Xiray Dalalka Khaliijka, Maxaase Ku Dhacay Siyaasadii Dhexdhexaadnimada Dalka..

Somalia news

Dalka Somalia ayaa waxey muddo dheer ka mid aheyd Dalalka Dhexdhaxaadka ka arrimaha Siyaasada Aduunka inkastoo ay haatan uu wajahaayo go’doon siysaadeed, 13-sano ee u dambeysay ay qolal ku kala xirteen Dalalka Saudi Arabia, Qatar iyo UAE, kuwaasoo danahooda ku ilaashada, isla markaasna meel uga dhacay Midnimadii iyo Qaranka Somalia…

Hogaamiyayaasha Siyaasada Dalka oo ilaashada Sandareertada 3-daan Dal ayaa madiidin u noqday, iyadoo haatan ay muuqaneyso ifafaalo ah in Imaaraatka & Saudiga ay ku tartamaya kala haysashada dalalka Geeska Afrika, waxeyna Billions US$ oo cash ah u kala qeybiyeen Madaxda Sare Dalalka Ethiopia, Eritrea, Djibouti iyo Somalia ee is hayay mudada dheer.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaaya in Lacago Cash ah Bil kasta ay UAE ku kabto Bangiga Dhexe ee Ethiopia, halka Shidaal bilaash la siiyo Eritrea, Somalia iyo Djibouti waxaa Dal kasta loogu deeqaa hub iyo Saanad, iyadoo Somalia xiligaan loo maleynaayay iney saaxiibkeeda kaliya uu yahay Imaaraatka Carabta, oo cagta soo mariyey Yemen & Suudaan, ifafaalaha muuqda ayaa muujinaya in Saudiga uu kordhiyay Saameyntiisa.

Dad badan ayaa aaminsan in Xarakooyinka Diimeed ee Dalka Somalia ka dhisan ay sabab u yihiin ku milanka siyaasada Dalalka Khaliijka, iyagoo ujeedadooda ugu weyn ay tahay sidii muddo xileed ugu nagaan lahaayeen Xukunka Dalka isla markaasna Macaash dhaqaale iyo iney Mashruucyadooda Waxbarashada ugu helaan dhaqaale.

289390cookie-checkMaxaa Siyaasada Somalia ku Xiray Dalalka Khaliijka, Maxaase Ku Dhacay Siyaasadii Dhexdhexaadnimada Dalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com