Xiisadaha Siyaasadeed Ee Ethiopia Oo Heerkii Ugu Hooseeyay Gaaray

World

Xildhibaanada Baarlamaanka Ethiopia ayaa la sheegay iney cod u qaadeen isla markaasna muddo xileedka u kordhiyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed, iyadoo uu xafiiska sii joogi doono waqti aan la cayimin oo ku xiran Cudurka Covid-19…

Waxaa kaloo Baarlamaanka uu muddo xileedka u kordhiyry maamul goboleedyada federaalka Ethiopia, iyagoo sheegay in Doorashada guud ee dalkaasi la qaban doono 9 bilood kaddib marka ay Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ku dhawaaqdo inuu meesha ka baxay halista cudurka Coronavirus.

Talaabadaan ayaa waxaa ka horjeeda xisbiyada mucaradka iyo Qowmiyadaha Ethiopia qaarkood, Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed lagu tilmaamay inuu isu bedelay keli-talis aan sharciyad heysan.

Isla khilaafka ka taagan Doorashada dalkaasi waxaa Isniintii isu casishay Gudoomiyihii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Kheyra Ibraahim oo kasoo jeeda Tigre, waxayna caddeysan inaysan kasii mid ahaan karin nidaam kelistalis ah, waxaana lagu bedelay Aadan Faarax Ibrahim oo Kilinka Soomaalida ka soo jeeda

Mas’uulkan ayaa ahaa madaxweyne ku-xigeenka gobolka Ismaamulka Soomaalida. Aqalka Sare ee Federaaalka Ethiopia ayaa ka kooban 153 xubnood, waxaana laga soo xulaa Qowmiyadaha iyo Gobollada dalkaasi, iyadoo Soomaalida Itoobiya ay ku leeyihiin 6 xubnood.

40830cookie-checkXiisadaha Siyaasadeed Ee Ethiopia Oo Heerkii Ugu Hooseeyay Gaaray