Ma Dhabaa in Musharaxa Madaxtooyada Somalia ee Doorashada Puntland uu ku sii jeedo Garoowe..

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqijinaaya in Shir qarsoodi ah oo albaabada u xirnaa uu xalay ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana shir Gudoominaayay Madaxweynaha, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Arrimaha Dibeda (Abshir Huruuse) iyo Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibeda (Cali Balcad), iyadoo kulankaan uu daaranaa sidii Qorshe iyo dhaqaale mideysan loogi taageeri lahaa Doorashada Puntland…

Ilo wareedkaan ayaa tilmaamay in Kooxda Villa Somalia xiligaan u sharaxan yahay Mr.Abshir Cumar Jaamac (Huruse), iyadoo Guddiga Doorashada ee uu magacaabay Mr.Deni ay soo saaeen jadwal taariikheysan oo ah inta u dhaxeysa 17-ka bishaan ilaa 25-ka December la qorsheeyay iney ku eg tahay qabashada Musharixiinta u sharaxan Xildhibaanada er beeleha kana mid noqonaaya Baarlamaanka Puntland, waxaase su’aal ka taagan tahay Qoraalka guddiga iyo Odayaasha yaa xulaaya Xildhibaanada cusub.

Wararka ayaa sheegay in Mr.Abshir Huruse lagu wado in 18-ka Bishaan ka degi doono magaalada Garoowe, si halkaasi uga bilaabo ololihiisa Doorashada iyo Xod xodashada Odayaasha Dhaqanka iyo Xildhibaanada cusub, waxaana la sheegay inuu diyaarsaday Dhaqaalaha ku baxaaya Doorashada hadii uu ku guuleystana wuxuu noqonayaa Madaweynaha Puntland 5-ta sano ee soo socota.

293920cookie-checkMa Dhabaa in Musharaxa Madaxtooyada Somalia ee Doorashada Puntland uu ku sii jeedo Garoowe..