Ciladaha & Xanuunada Laga Qaado Hurdo Yarida

Health Somalia news

Hurdadu waxa ay lagama maarmaan u tahay soo celinta iyo ilaalinta isu dheellitirnaanta maskaxda, Marka uu qofku soo jeedo waqtigii ay ahayd in uu seexdo waxey maskaxdu si inta dabiiciga ah ka badan u soodeysaa maaddo kiimikaad oo lagu magacaabo ‘Adenosine’, sida ay isla qireen Xeeldheerayaasha Caafimaadka…

Caadi ahaan maskaxdu maalintii oo dhan waxa ay si tartiib-tartiib ah u soo deysaa madadda ‘Adenosine’ oo marka ay saacadaha maalintii oo dhan jirka (Oogada) ku ururto, habeenkii keenta lulo iyo in qofku uu hurdo doono. kadib qofku inta uu habeenkii hurdo ayaa uu jirku iska saaraa maadaddan ku ururtay maalinnimadii, taas ayaana sabab u ah in marka ay jirka ka dhamaato uu Qofku hurdada ka tooso, isla markaana dareemo firfircooni iyo baraarugsanaan.

Haddaba haddii uu qofku si fiican u seexan waayo habeenkii, waxaa dhacaysa, maadaddan jirka ku ururtay maalintii ee uu iska saari lahaa, iney dhaawac gaarsiiso qaybta xuska ee maskaxda, gaar ahaan iney keento waxa loo yaqaanno ‘Clouding of consciousness’ oo sababa in qofku isaga oo soo jeeda haddana laga dareemo in ay maskaxdu maahsan tahay ama suursan tahay iyo in aanu xiskeedu sidii saxda ahayd u dhamaystirnayn.

Haddaba haddii ay hurdadu ku yaraato, waxaa jidhka ku yaraada hormoonka ‘Leptin’ jidhkuna si uu uga jawaabo hoos u dhacaas hormoonka waxa ay maskaxdu soo saartaa xaddi badan oo ah hormoonka ‘Ghrelin’ oo qofka ku keena gaajo. Waana sababta marka uu qofku saacado dambe oo habeenkii ah seexdo, uu u soo kaco isaga oo gaajaysan, xitaa haddii uu habeennimadii hurda fiican seexday.


351610cookie-checkCiladaha & Xanuunada Laga Qaado Hurdo Yarida
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com