Weeraro Lagu Qaaday Ciidamada Kenya Ee Ku Sugan J/hoose

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo saaka aroortii hore Maleeshiyaadka Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka J/Hoose….

Weeraradaan oo ka dhacay degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani ayaa waxaa xigay dagaalo toos ah oo dhex-maray labada dhinac, Sidoo kal wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu ku bilowday madaafiic ay is-weydaarsadeen ciidamada Kenya iyo raggii weerarka qaaday., Kooxda Shabaab oo war kooban ka soo saartay weeraradaas ayaa sheegtay inay ahaayeen kuwa safmar ah oo ay ku eekeeyeen saldhigyada ciidamada Kenya.

Ma shaacin kooxda Shabaab khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba, “Xooggag katirsan Shabaab ayaa weerar safmar ah ku qaaday saldhigyo Ciidamada Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe ee Degmada Afmadow & Deegaanka Qooqaani, waana weerarkii labaad oo muddo todobaad ah oo lagu bartilmaameedsado Saldhigyadaan.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ka ee ka soo baxay dagaalyahanada kooxda Shabaab.

61970cookie-checkWeeraro Lagu Qaaday Ciidamada Kenya Ee Ku Sugan J/hoose