Culeysyo La Saaray Xubno Is-Casilay.

Politics

Macluumaad ayaa laga soo sheegaya Ilaa 4- xubnood oo labo Xildhibaan iyo labo Senataro ay yihiin kana soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa iska casilay xubinnimada Xisbiyada Himilo Qaran iyo UPD, kuwaasoo culeysyo lagu saaray iney iscasilaan…

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in qaar ka mid ah xubnahaan Iscasilaadooda ay la xiriirto magacaabiddii Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta xeerarka Sharciga Doorashooyinka Qaran ee dhowaan soo magacaabeen Guddoonka Labada Aqal, iyagoo ka biya qaabka lagu saleeyay Guddiga oo 5 ka mid ah laga soo xulay mucaaradka oo aanay ku jirin xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi halka 12 kale ay yihiin nabar iyo Naxli, si gaar ahna xubnaha beelaha waqooyi ka yimid ay Madaxtooyada wadato

Xubnahan ayaa la sheegay inay cadaadis ku saareen Madasha Xisbiyada Qaran inay isaga baxaan Guddigan wadajirka ama qaadacaan habka loo xulay xubnaha ku jira Guddigan iyo qeybta reer Waqooyi ee ka yimid dhanka Kooxda Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa dadaal uga jirto inay Soo xushaan xubnaha kuraasta Xildhibaanada ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi, iyagoo loogu hanjabay iney weyn doonaan Xildhibaanimada.

20130cookie-checkCuleysyo La Saaray Xubno Is-Casilay.