Hey’adda ICPAC Oo Digniino ka Soo Saartay Roobab Mahiigaan ah & Heer-Kulka Dhulka uu Sareyn Doono..

Africa News

Warbixin Digniin Xambaarsan oo ay soo saartay Hey’adda ICPAC, Degaano badan ee Dalalka Geeska Afrika uga dogtay in la filan karo inay helaan Roobab mahiigaan ah inta u dhaxaysa Janaayo iyo Maarso 2024, iyadoo jawiga cimilada uu daba socdo roobabkii El Nino ee dhowaan da’ay, Sida ay sheegtay Xarunta Saadaasha Cimilada iyo Codsiyada ee Urur Goboleedka Horumarinta…

Hey’adaan oo fariisinkeedu yahay magaalada Nairobi ayaa saadaalisay in xaalado roobaad oo biyo badan wata in laga filayo Konfurta iyo Ghulbaraha gobolka, oo ay ku jiraan Tanzania, Burundi, Kenya, koonfurta Uganda iyo sidoo kale Konfur-galbeed iyo waqooyi-bari ee Ethiopia.

Dalalka Geeska gaar ahaan Qaarada Afrika ayaa qalalanaa inta lagu jiro xilliga ka dambeeya bilaha Oktoobar ilaa Diseembar xilli roobaadka oo gaaban, laakiin isbeddelka cimiladu waxay wax ka beddelaysaa qaabka cimilada, Roobabka culus ee la filayo ka sokow, ICPAC waxay saadaalineysaa in heer-kulku uu ka sareyn doono inta caadiga ah muddadaasi.

Degaanada ugu daran ee ay saameyn doonto waxaa ka mid ah qaybo ka mid ah waqooyiga Kenya, Somalia, iyo Ethiopia, iyadoo dhulkaasi oo heerkulku kor ugu kaci doobo inta u dhaxaysa 32 iyo 40 darajo Celsius, waxaana la sheegay in xaalada abaareed ay saameyn doonto 23-Millions oo Qof oo 5-Millions ay yihiin Caruur.

297080cookie-checkHey’adda ICPAC Oo Digniino ka Soo Saartay Roobab Mahiigaan ah & Heer-Kulka Dhulka uu Sareyn Doono..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com