Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Xabsiyada oo Ku Biiraaya Dagaalka Shababka…

Security Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Maamulka Fashilmay ee Villa Somalia uu weydiistay Taliska Ciidamada Asluubta iney furumaha dagaalka u wareejiyaan Ciidamo soo dhameystay Tababro xirfadeed oo ilaalinta xabsiyada loo gudbiyay degaanada Gobolka Shabeelada dhexe..

Xuuraanka ayaa daaha ka qaaday in Cutubyo ka tirsan Ciidamada Asluubta oo dhaqan ahaan u xilsaaran ilaalinta Maxaabiista kuwaasoo tiradoodu dhan tahay 500-Askari ayaa laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la geeyey gobollada Shabeellooyinka si ay u taageeraan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Shababka.

Si kastaba ha ahaatee, Khubarada falanqeeya Arrimaha Amaanka ayaa walaac ka muujinaya waxtarka Ciidamadaan oo Magacaabista Madaxweynaha ee La-taliyihiisa Arrimaha Difaaca oo uu u magacaabay Garab uu Adeer u yahay si loo soo af jaro Dagaalka Shababka, ku darsoo iyagoo xusay in Ciidamadaan aysan lahayn tababar ciidan oo rasmi ah gaar ahaan sida la daagalaanka Kooxaha Argagixisada.

Ayaan darrada taagan ayaa ah in Xasan Gurgurte uu ku fashilmay in Kooxaha Argagixisada ka sifeeyo Gobolka Shabeeleda Dhexe oo Beeshiisu degan tahay, ku darsoo Waxaa la xaqiijiyay in farsamo xumo howlfelubta dagaalka ay ka taagan tahay aagaga dagaalka, iyadoo Saraakiisha uu u xushay la xaqiijiyay iney rasaasta iyo sahayda ka iibiyaan kooxda Shababka.

364220cookie-checkCutubyo ka Tirsan Ciidamada Xabsiyada oo Ku Biiraaya Dagaalka Shababka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *