Maxaa Dib u Soo Cusbooneysiiya Dagaalada Ka Dhex Qarxa Ciidamada Dowladda & Kuwa Maamulada..

Somalia news

Todobaadkaan gudihiisa waxaa markii labaad ka dhacay dagaal o dhaxeeya Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamulka Konfur galbeed, dirirtaan ayaa salka ku heysa arrimaha Isbalaarinta Xoogaga Maamulada ee Qabiileysan kuwaasoo lasheegay iney Ka dambeeyaan Siyaasiyiin & Saraakiil Maamulkii Farmaajo…

Muxuu salka ku hayaa dagaalka Baraawe:-

Warbixino hordhaca ah ayaa muujinaaya in dagaalka dib uga soo cusboonaaday Degmada Baraawe oo u dhaxeeya Guutada 6-aad ee Ciidamada Dowlada iyo kuwa Konfur galbeed ayaa salka ku haya is-balaarinta Xoogaga hubeysan ee Maamulka Lafta gareen kaasoo Xoogag xoojin ah keenay Degmada Baraawe.

Inta la xaqiijiyay dhowr iyo toban Qof ayaa ku dhimatay welina xiisada waa kacaan tahay, dagaalkan cusub waxaa dhaliyay muran soo kala dhexgalay laba xubnood oo ka kala tirsan labada ciidan kaasoo sababay gacan ka hadal markii dambe isku badalay dagaal baaxad wayn oo laba safle ah, ku darsoo Xiisado dhisme Maamul ayaa ka taagan Degmada Buur hakaba oo laga cabsi qabo inuu gacan ka hadal isku bedelo.

Dagaalka Ceel barde

Dirirta Degmada Ceel Barde ayaa ku bilaawday kadib markii la dilay mid ka mid Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay wada murmeen Askari ka tirsan Xoogaga Konfur galbeed, iyadoo ay ka sii horeysay kufsi loo geystay Gabar uu dhalay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka taasoo horseeday inuu dagaalka qarxo.

Iyadoo sidoo kale Maamulka Konfur galbeed ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyaha Degmada Hadana dib uga laabtay Wareegtada Xil ka qaadista, Dad Badan oo Degaanka ah ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Konfur galbeed inuu Xoogag hubeysan oo beeshiisa ah keenay Degmada kuwaasoo dhibaato ku hayay in muddo ah Dadka Degaanka.

260890cookie-checkMaxaa Dib u Soo Cusbooneysiiya Dagaalada Ka Dhex Qarxa Ciidamada Dowladda & Kuwa Maamulada..