Maxaa ka Dhalan kara Isku Dheelitir La’aanta Awood Qeybsiga Xilalka Dowladda

Somalia news

Ilaa markii lagu soo dhisay Shirarkii Carta & Imbaghati Awood qeybsiga Xilalka Dowlada Federaalka, wuxuu inta badan salka ku hayay wadaag siman, iyadoo tixgelin la siiyo Degaanka, Beelaha iyo Khibradda (meritocracy), 2-da hore waa sida metelaadu tahay halka kan dambe u yahay sida uu ku haboon yahay….

Hogaamiyayaasha ku guuleysta Xilka Villa Somalia, waxey ku qiimeeyaan Wasaaradaha iyo Hey’adaha Amaanka derajooyin kala hooseeya sida (A-B-C), kuwa (A) ah, waxaa ka mid ah Wasaaradaha Maaliyada, Arrimaha Gudaha iyo Dibeda, Amniga, & Shidaalka & Macdenta.

Halka Wasaaradaha qaabilsan Wax soo saarka, Shaqo abuurka iyo Hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha sida Beeraha, Kaluunka, Shaqada iyo Dastuurka, marka laga yimaado Wasaaradahaan waxqeybsiga si siman (4,5) ayaa haddana waxaa lagamaarmaan ah in si siman oo ku dhisan Nidaamkaan wax ku qeybsadaan Beelaha.

Waxaa jira Wasaarado bixiya Adeeg sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo Garsoorka, Garoomada Diyaaradaha iyo Dekedaha, waxaana laga maarmaan ah in la ilaaliyo isku dheelitirka awood qeybsiga, si xasilooni siyaasadeed loo gaaro (Political Stability), una fududaato qori isku dhiibka Talada Dalka.

205850cookie-checkMaxaa ka Dhalan kara Isku Dheelitir La’aanta Awood Qeybsiga Xilalka Dowladda