Ciladaha & Caqabadaha Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka

Somalia news

Kulamo xiriir ah oo ay todobaadkaan kaga hadleen Madaxweynaha Dowlada Federaalka & Wasiirkiisa 1-aad ayeey ku tilmaameen xaalad aan aqbal karin in Kumaaan Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda aysan soo shaqo tegin mushaarkoodana ku qaataan Dalka dibadiisa ama uu guryaha iska joogo…

Baaris hoose oo la sameeyay ayaa muujineysa heerka musuqa ee ka jira Xafiisyada Dowladda Federaalka, iyadoo la diiwaan geliyay 5751-shaqaale ah kuwaasoo heerar kala duwan Gunno (Mushaar) ku qaata Dalka dibadiisa ama gurigiisa Magaalada Mogadishu iska jooga, farsamadaan ayaa lagu tilmaamay “Miino wakhtiyeeysan” oo ay dejiyeen Maamulkii Farmaajo iyo Fahad.

Wararka ayaa sheegay in diiwaangelinta Elektroniga ah ee maalinlaha ah ee shaqaalaha ay muujineyso iney maqan yihiin 4-kun oo shaqaale ah, iyadoo 180-shaqaale ah ku maqan yihiin fasax la og yahay, Dhibka ugu weyn ayaa ah ineysan isku dheeli tirneyn tirada xirfadaha shaqaalaha loo baahan yahay iyo kuwa shaqeeya, waxaana jira Shaqaale xirfado soo bartay oo wasaarado kale laga howl geliyay, ku darsoo waxaa aad u fudud iney Wasaaradaha isku wareejiyaan shaqaalaha muddo gaaban gudahood.

Sheekeysi & Shaah

Shaqaalahaan ayaa intooda badan lagu xushay qaab qabiil, iyadoo xitaa boosaaka muhiimka ah ee shaqada la geeyo dad laga yaabo ineysan mudneyn balse cid awood badan ay gadaal ka riixeyso, iyadoo Howlwadeenada Dowladda ay cabasho ja muujiyeen ineysan howlo badan oolin xafiisyada Dowladda isla markaasna kuwa aan awoodin fasaxa iney Sheekeysi iyo Shaah xani ku dheehan tahay u tagaan wakhtigana ku dilaan.

Safar ama Siminaar

Shaqaalaha kaalinta la-talinta u jooga Wasaaradaha ee Mushaarkoodu ay bixiso Hey’adda World Bank ayaa inta badan qabta shaqooyinka xasaasiga ah, iyadoo la gacan bidixeeyo qofka shaqaalaha rasmiga ah ama laga qariyo shaqada socota, xitaa Wasaaradaha iyo Laamaha Dowladda ee yaalaan fursadaha soo jiidashada leh sida Siminaarada dibeda iyo kuwa gudaha ee leh gunooyinka habeen dhaxa, safarada, Hoteelada iyo Shirarka ayaan ka socon shaqo natiijo leh.

233080cookie-checkCiladaha & Caqabadaha Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com