Share the post "Daacish oo Weerar Ismiidaamin ah iyo Dagaal toos ah ku qaaday Xoogaga Amaanka…"
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kooxda Argagixisada ee Daacishta Somalia ayaa weerar isugu jira Ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah ku qaaday Xoogaga Amaanka Puntland ee ku sugan Degaanka Dharjaale ee Gobolka Bari, kaasoo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawacyo….
Weerarkaan ayaa lagu bar-tilmaameedsaday Ciidamo uu horkacayo Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland, Maxamed Shire Baari, oo maalmahan ku sugnaa Dharjaale si uu abaabul dagaal uga sameeyo, Mr.Shire Baari ayaa ka badbaaday weerarka, balse waxaa jira khasaare dhimashada 4-Askari iyo tiro dhaawacyo leh oo gaaray Ciidamada, waxeyna sheegeen iney ku raad joogaan.
Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in weerarkan ay ku lug lahaayeen Maleeshiyaad Ajaanib ah, kuwaasoo mid ka mid ah uu is qarxiyay, halka kuwa kale ay dagaal fool ka fool ah la galeen Xoogaga Amaanka Puntland, inkastoo aan weli si rasmi ah, Sawiro laga soo qaadey meydka laba kamid ah argagixisada Daacishta ayaa muujinaya in labaduba ay yihiin ajnabi, mid waxa uu ka soo jeedaa Dalalka Carabta halka kan kale uu ka so jeedo Ethiopia, waxaana ay xirnaayeen direyska Ciidamada Difaaca ee Puntland.