Maxaa Dowlada ka Hortaagan iney Xakameyso Kooxaha Daawooyinka ka Ganacsada

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Nin xanuunsan oo lagu dhex qabtay isagoo Masaajid ku Caasimada ku dhex cunaaya Waxyaabaha maanka dooriya, isagoo Maamulka Masaajidka iyo tiro wadaado ay su’aalo adag weydiinayaan si ka baxsan ku Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Somalia…

Wararka ayaa sheegaya in Sanadihii ugu dambeeyay ay Dalka ku soo bateen Dhalinyaro isticmaala Maandooriyayaasha sida (Pethidine, Tramadol, Mophine, Acid, Acid Lysergic ama LSD iyo kuwo kale), Dhalinyaradaan oo isugu jira kuwo dalalka reer galbeedka laga soo tarxiilay iyo kuwo magaalada ku nool, waxaana aad u kordhaaya tirada Dhalinyaradaan oo u baahan in loo furo xarumo dhaqan celin si uusan u sii fidin.

Iyadoo looga fadhiyo Dowladda Federaalka iney qaado talaabo kasta oo sahleysa sidii muwaadiniintaan looga badbaadin lahaa isticmaalka noocyada mukhaadaraadka, Dadkeena waa iney bartaan sida loo caawiyo Dhalinyarada qabatintay Maandooriyaha kuwaasoo ku nool xaalad murugo leh, isla markaasna Hey’adaha Amaanka ay talaabo adag ka qaadaan kooxaha ka ganacsada sida Farmashiyayaasha sida taxadir la’aanta u iibiya Daawooyinka si ay Macaash uga helaan.

223930cookie-checkMaxaa Dowlada ka Hortaagan iney Xakameyso Kooxaha Daawooyinka ka Ganacsada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com