Dab xoogan oo ka kacay Suuq Degmada Jowhar

Uncategorized

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dab xoogan oo ka kacay Suuqa ugu weyn magaalada Jowhar, kaasoo ku yaal Xaafada Hantiwadaag, iyadoo la sheegay inuu geystay khasaare balaaran kuna faafay qeybaha uu ka kooban yahay Suuqaasi…

Wararka ayaa sheegaya in Suuqaan gubanaya ayaa ah Suuqa ganacsi ee ugu weyn magaalada Jowhar, waxaana dabka uu durba baaba’shay goobo ganacsi oo badan, hayeeshee wali si rasmi ah looma ogaan karo inta uu dhan yahay khasaaraha, Dadweyne aad u farabadan ayaa oo isugu jira dadkii lahaa goobaha dabku qabsaday iyo kuwa kale oo wax ka daminaya dabka ayaa ku howlan la tacaalista sidii ay u damin lahayeen dabkaan oo ah mid aad u xoogan.

Dabkaan saakay ka kacay Suuqa Jowhar ayaa kusoo aadaya, iyadoo marar badan Suuqyada Soomaaliyeed sidaan oo kale ay u gubteen, lamana oga waxa uu ka dhashay dabkaan ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Jowhar, waxaan kaloo jirin Gadiid Dab-demis.

339150cookie-checkDab xoogan oo ka kacay Suuq Degmada Jowhar