Ganacsade iyo Gabar ka Shaqeynaysay Meheradiisa Ganacsi oo lagu wada dilay Waqooyiga Gaalkacyo..

Uncategorized

Wararka naga soo gaaray Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Nin Ganacsade ah oo lagu magacaabo, Bile Cali Geelle lagu dilay Magaaladaasi, Sida Dadka Degaanka laga soo xigtay, Rag ku hubeysnaa qoryo ayaa dilka gaystay…

Wararka ayaa sheegaya, in Qof dumar ah oo ka shaqaynaysay Nadaafada xarunta Ganacsi ay sidoo kale weerarka ku geeryootay, sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka Magaalada, Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka tirsan Dowladda oo faahfaahin ka bixisay dilkaan oo saakay dhacay.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaa ku soo badanaya dilalka la xiriira aanooyinka qabiilka, iyadoo qaybaha bulshada ay ku baaqayeen muddooyinkii dambe in loo wada istaago sidii wax looga qaban lahaa.

268190cookie-checkGanacsade iyo Gabar ka Shaqeynaysay Meheradiisa Ganacsi oo lagu wada dilay Waqooyiga Gaalkacyo..