Dabley Hubeysan Oo Dilay Sarkaal Boliis ah & Xaaskiisa

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Dabley hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa si bareer ah u dilay Sarkaal ka tirsan Xoogaga Amaanka magaalada Laascaanood iyo Xaaskiisa, kafibna goobta ka baxsaday..

Wararka ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay & xaaskiisa ayaan aqoon sababta loo bartilmaameedsaday, inkastoo bilihii ugu dambeeyay ay aad ugu soo kordhaayeen dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Muuse, Boliiska Somaliland ayaa sheegay iney baarayaan waxa sababay dilka, iyadoo xilliyadii ugu damveeyay amaanka magaalada uu faraha ka baxay, kooxaha dilalka ka wadan aan raadkooda la helin.

165210cookie-checkDabley Hubeysan Oo Dilay Sarkaal Boliis ah & Xaaskiisa