Ma Dhabaa in Agaasimaha NISA uu Kulan Qarsoodi ah kula yeeshay Riyadh Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Dooxa

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Agaasimaha Hey’adda NISA iyo tiro Kaaliyayaashiisa ayaa galinkii dambe Axadii ka degay Garoonka Diyaarada ee magaalada Riyadh, wuxuuna Kulamo qarsoodi ah la yeeshay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Qatar oo ay wehliyaan Koox gacan saar la leh Argagixisada Shababka…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in bacdamaa Maalmihii ugu dambeeyay ay culeysyo iyo dib u dhacyo dhanka dagaalka ah khasaarooyin balaaran ka soo gaareen, isla markaasna ay jirtay Wada hadalo hordhac ah oo Maamulkii Farmaajo la yeesheen Kooxdaan Shababka Wakiilka ka ah ayeey Sirdoonka Qadar waxey sii wadayaan xaqiijinta fulinta wada hadalkaasi, ayuu yiri khabiir dhinaca Siyaasada iyo Amniga ku xeel dheer.

Dooxa oo Saameyn Sirdoon oo baaxad leh ku laheyn Hogaankii Hey’adda NISA, iuagoo si ka baxsan Xiriirka Dowliga ah u dhex gashay Hey’adda, talaabadaasi oo horseeday iney Sirdoonka Qatar ku lug yeeshaan Kiisas badan oo afduub iyo dilal ku jiraan, waana sababta uu Wasiirkii 1-aad ee Dowladdii Federaalka uu xilka uga xayuubiyay Adeege Fahad oo xiligaan Dooxa ku sugan.

Ilaa hadda ma cadda Natiijada ka soo bixi doonta wada hadalada uu Agaasimaha NISA la leeyahay Saraakiisha Qatar, balse ilo loo qaateen ah waxey sheegeen in Dooxa ay isku dayeyso iney si adag u xajisato gacan ku heynta Hey’adda isla markaasna ay sii wado saameynteeda ku aadan iney garwadeen ka noqoto Wada hadalada Dowladda Federaalka iyo Horjoogayaasha Kooxda Shababka.

218410cookie-checkMa Dhabaa in Agaasimaha NISA uu Kulan Qarsoodi ah kula yeeshay Riyadh Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Dooxa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com