Dabley Rasaas La Beegsaday Masaajid

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanka Guricel Ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Dabley hubeysan ayaa xalay fiidkii waxay rasaas ooda kaga qaadeen Masaajid ay ku sugnaayeen tiro dad Rayid ah, inkastoo aan la sheegin khasaare ka dhashay…

Wararka hordhaca ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Masaajidka Beder lagu furayey rasaasta xiligaasi ay ku sugnaayeen dad kooban, aysana jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay rasaasta, marka laga reebo burbur aan sidaa u weyneyn oo ay u geysatay darbiga Masaajidka, Ciidamada amaanka Galmudug ayaa gaaray Masaajidka iyagoo bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaas oo baxsaday.

Masaajidka Beder oo xirnaa 12-sano ayaa dib loo furay dhowaan kadib markii ay xireen maamulkii Ahlu suna ee halkaas ka arimin jiray, kuwaasoo ku eedeeyey in laga faafiyo afkaarta Wahaabiyada iyo xag-jirnimada, laguna gaaleysiiyo Muslimiinta.

Shacabka magaaladaas ku dhaqan ayaa si weyn u hadal haya dhacdadan, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in rasaas lagu furo masjidka oo ah guri ALLE lagu caabudo.

71690cookie-checkDabley Rasaas La Beegsaday Masaajid