Maamulka Hargeysa Oo Culeys ku Saaray Baarlamaanka & Garsoorka in la Laalo Xunimada Gudoomiye Cabdirisaaq..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Maamulka Gooni goosadka ayaa sheegaya in Maamulka Muuse Biixi uu maalmihii ugu dambeeyay waday Olole uu ku doonaayo in Xilka looga xayuubiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka degaankaasi Mr.Cabdirisaaq Khaliif oo muddo ku sugan magaalada Laas caanood…

Talaabadaan ayaa u muuqata mid xiriir la leh Go’aanka Gudoomiyaha oo ah inuu xanuunka la qeybsado Shacbiga degaanka u ka soo jeedo oo muddo ka badan 4-bilood Duqeymo aan loo meel dayin ku hayaan Maleeshiyaadka Muuse Biixi Muwadiniinta Magaalada Laas caanood.

Qoraal uu gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud C/raxmaan Jaamac Hayaan, ayaa waxay ku eedeyay inuu Xildhibaan Khaliif ku kacay falal liddi ku ah Qaranimada Somaliland, Waxaa kaloo lagu sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka baaqday 20 kalfadhi oo xiriir ah oo baarlamaanka uu yeelan lahaa.

Maxkamada Somaliland, ayaa muddo toddoba cisho ah u qabatay Mr.Khaliif inuu kaga soo jawaabo eedaymaha loo haysto, waxeyna ku xuseen qoraalkooda, “Maxkamada waxay si rasmi ah u ogeysiisay shir-guddoonka golaha wakiillada xadgudubyada culus ee dastuuriga ah ee uu galay, sida uu horgeeyay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taasoo jawaab u baahan todoba maalmood gudahood.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, ayaa talaabadaani walaac ka muujiyey, waxeyna ku tilmaameen mid muujinayso fara-gelin cad oo ay Madaxtooyadu ku hayso arrimaha Baarlamaanka, Sidoo kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Golahaasi ayaa si isku mid ah uga hadlay falka lagula kacay, Gudoomiye Khaliif isma casilin xubinimadii iyo Gudoomiyihii Golaha Wakiilada, wxuuna muddo dhowr bilood ku sugan yahay magaalada Laascaanood.

259580cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Culeys ku Saaray Baarlamaanka & Garsoorka in la Laalo Xunimada Gudoomiye Cabdirisaaq..