Kulan Amaanka Iyo Dilalka Loogu Hadlaayo Oo Muqdishu Ka Dhacaaya

Somalia news

Degaanada ku teedsan xeebta Ee Duleedka Muqdishu ayaa wajahaya falal argagax leh oo salka ku haayo aanooyin jufooyin, Iyadoo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo kan Hir-Shabelle ay ku guuldareysteen iney xakameeyaan Falalkaan dilalka xambaarsan….

Waxaana lagu wadaa in Kulan balaaran oo diirada lagu saaraayo dhibaatadaan uu ka qabsoomo Magaalada Muqdishu, Xubno kamid ah odayaasha ayaa sheegay in kulankaan lagu qabanqaabiyay doono Hoyga Imaamka cusub ee Abgaal Imaam Daahir Maxamuud, iyadoo kadib la go’aamin doonaa sidii lagu gaari lahaa goobtii lagu xasuuqay carruurtii iyo dumarkii ee duleedka degmada Warsheekh.

“Waa dhaqan hooseeya waana ku ceeb in dad walaalo ay dilaan dadka Biri-mageydada ah, horey loo dilay Kooxo Caafimaadka ka shaqeeya waxaa ku xigay Culimadii la laayay, falkaan Caruurta iyo Hooyadood ayaa noogu darsoontay fadhina nooma yaalo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabadoonka aan la hadalnay oo ka tirsan dhaqanka Mudullood.

71640cookie-checkKulan Amaanka Iyo Dilalka Loogu Hadlaayo Oo Muqdishu Ka Dhacaaya