Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa cabasho ay qabaan Dadka la nool cudurka HIV/AIDS ee degan Magaalooyinka Boosaaso, Carmo, Qardho iyo Dhahar ee Gobolka Bari ayaa ka cabanaya xaalad Raashin yari iyo Takoor, kadib markii uu ka istaagay 3-Bil ka hor gargaar raashin iyo lacag iskugu jiray oo ay ka heli jireen Hay’adda WFP..
Dadkaas waxaa ka mid ah Faadumo (oo magaceeda saxda ah aan qarinay). Carruurteeda oo siddeed ah oo ay kula jirtaa xeradda Boqolka-Buush oo ku tirsan magaalada Boosaaso, halkaasoo ay ku wajahayaan hubanti la’aan cunno iyo faquuq, iyadoo intaasi raacisay in raashin ay dabka saartaan ay ugu danbaysay shan bari ka hor, markaas oo uu ka dhamaaday nus loor bariis ah, 3-kiilo oo baasto ah iyo kiilooyin khudaar ah. Waxaa ku caawiyay qof ay ehello yihiin oo ka war hayay xaaladdeeda.
Dhibaatadan nolol xumo waxaa ugu wacan gargaarka ka istaagay oo ka koobnaa 90-kiilo oo iskugu jiray bur, bariis, sonkor iyo qamadi. Waxaa u wehliyay lacag $90. Raashinka iyo lacagtan ayaa si bille ah loo siin jiray saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Waxay xustay in dadka ka warhaya ama uga shakisan in ay la nooshahay cudurka HIV ay kala kulanto takoor xaaladda ku sii adkeeya. Saddex sano ka hor ayay ahayd, markii xero ku taalla Boosaaso ay uga soo barakacday faquuq.
Dhibaatada haysata qoyskeeda waxaa kala siman 250 qof oo la nool cudurka HIV, kuwaas oo deggan qaybo ka mid ah gobolka Bari. Waxaa si isku mid ah uga istaagay gargaar cunno iyo mid lacageed. Inkastoo weli ay qaadataan daawada kaalaamitiga ah cudurka HIV.